Aqoonta ururada
Föreningskunskap på somaliska
Hordhac
Inledning
Go’aamo badan oo culus iyo kuwa fududba waxa gaadha kooxo kala duwan ama dad ka mid ah goleyaal la soo xulay. Goobaha laga shaqeeyo waxa hawsha inteeda badan wada kooxo maddax bannaan ( kuwaas oo iyagu shaqadooda qorsheeya).
Xilliga ay dadku firaaqadda yihiin, waxaa dadka isku keena ama isugu yimaadaan waxa ay xiiseeyaan taas oo keenta in ururro lagu kala biro, ama ay urur kale furaan dhowr qof oo isku fikrad ah haddii ay ka heli waayaan ururada degaanka ka jira.
Haddaba barashada ururrada waxa aynu kaga hadli doonaa sida ururku uu u shaqeeyo iyo dhamaan wixii xeerar ah ee khuseeya ururrada ha ahaadaan kuwooda ama kuwa bulshadaba.
Si hawlaha ururku ugu socdaan si wanaagsan iyo si ay dooddu u noqoto mid qofkastaa u helo fursad uu ku dhiibto fikradiisa, waxaa la raacaa hab qeexaya sida ama marka/xiliga la wada hadlaayo ama go’aan la qaadan karo. Taas oo loo yaqaan qaabka shirka.
Waxa jira shirar kala duwan oo noocyo badan leh, sidaa darteed waxa shirka qaabkiisa lagu saleeyaa kolba shirku nooca uu yahay. Waxaa dhici karta in dad aad u badan ka soo qayb galaan sida is arag balaadhan, kulan iwm. Mararka qaarkoodna waxa dhacda in ay dad aad u tiro yari isu yimaadaan si ay wax ugu heshiiyaan.
Waxa aan isku dayaynaa in aan koorsadan idiinku qeexno aqoonta ururrada iyo qaabka shirkaba. Waxa aanu filaynaa/rajeynaynaa in koorsadan wax kuu tarto oo aad uga faa’iideysatid shaqadaada iyo xataa xilliga aad firaaqada tahayba.
Tarjumaad af-soomaali ah iyadoo ay taageerayso Forumsyd
Kursen på somaliska publiceras med stöd från Forum Syd
Qoraa : Leila Pekkala.
Webmaster: info@immigrant.org