KULAN WAXQABAD

Aqoonta ururada

Föreningskunskap på somaliska

KULAN WAXQABAD

Mötesverksamhet

Si loo soo habeeyo waxqabadka ururka waxa la qabtaa shirar go’aammada lagu gaaro. Sidii aan hore uga soo hadalneyna waxa shirweynaha sanadku yahay ka ugu sareeya ee go’aannada ururka gaadha, waxaana ku xiga shirka xubnaha iyo kan gudiga. Shirka waxa qaban kara dadka loo xil saarey in ay howl khaas ah fuliyaan. Si loo xasuusto wixii lagu heshiiyay waxa sharci wanagsan ah in qoraal la sameeyo.

Xilliga shir weynaha waxa la jiheeyaa barnaamijka ururka ee sanadka soo socda. Hadiise ay jiraan wax muhiim ah sanadka gudihiisa waxa la iskugu yeedhaa shir xubnaha ah. Sida badan waxa ku xusan sharciyada ururka oo la go’aansaday inta jeer ee xubnahu kulmi karaan. Gudigu waxa ay qabtaan shirarka marka ay u baahan yihiin si ay u hagaan oo ay u habeeyaan barnaamijka ururka. Si haddaba uu shirku u fududaado waxa aad loogu baahan yahay in laga soo shaqeeyo. Gudigu waxa ku haboon in ay eegaan hawsha taalla oo ay u kala qaybiyaan barnaamijka shirka dadka si ay u fududaato.

Halkan waxa aad ka heli doontaa tilmaam kuu sheegaysa sida loo diyaariyo shirka Liis warbixineed

Shirka qaybtiisa rasmiga ah (formalka)
Mötets formella sida

Si loo hubsado go’aanka la gaadhaayo waxa haboon in shirka loo soo abaabulo si rasmi ah

Waxaa jira qodobo laga wada hadlayo, waxaana gooobta jooga xidhiihdiyeyaasha shirka oo shaqo go’an qabta. Waxaa loo qoraa go’aamada si habaysan.

Isku imaanshaha qaybtiisa rasmiga ah.

  1. Yeedhitaan
  2. Liiska doodda sida loo kala horraynayo
  3. habmaamuuskaka

Xidhiihdiyeyaasha

  1. gudoomiyaha – ayaa hogaaminaya kulanka
  2. kaaliyaha – ayaa qoraaya
  3. saxeha
  4. codtiriyaha

Waxa muhiim ah in dhamaan xubnuhu ay awoodi karaan in ay ka qayb qaataan shirka. Sidaas awgeed waa in yeedhitaanku ama is war galintu wakhti dheer ka hor ahaataa mid la cayimay. Waxa inta badan taas ay ku cayiman tahay shuruucda ururka.

Ururadda qaarkood waxa ay leeyihiin xaadiris iyo go’aan sheegaaya cidda ka qayb qaadan karta go’aammada, dadka ka hadli kara shirka dhexdiisa iyo cida joogi doonta shirka oo kaliya. Xaadirisku waxa uu inta badan ka dhacaa kulammada waaweyn ee dadka joogaa aaney is wada garaneyn

Gudigu waxa ay soo habeeyeen qodobada shirka (kuwa laga wada hadlaayo iyo xataa xilliga nasashada la qaadanayo. Laakiin shirka ayaa go’aaminaaya oo saxaya in liistada gudidu soo qoreen laga wada hadlo iyo in kale. Tusaale ku sahabsan qodobada laga wada hadlaayo

Codtiriyeyaal u khaas ah codtirinta ayaa la doortaa marka doorasho meesha timaado sida ahirweynaha sanadka oo kale. Hadii kale nadanaa saxaha ayaa u qaabilsan tirinta codka.

Bilowga shirka
Mötesgången

Gudoomiyaha ururka ayaa salaam ku soo dhaweeya dadka oo ku dhawaaqa in uu shirku furan yahay. Waxaana laga bilaabo xilligaas laga wada hadli doonaa arimaha ku qoran liiska oo kaliya (ajendaha).

Marka hore waxa laga wada hadlaa ama la gudo gala waxa loo yaqaan arrimaha rasmiga ah ( Formalati). Taas oo ka kooban furitaanka shirka, xidhiidhka shirka, ajendaha. Haddii loo baahdo waxa la doortaa xidhiihdiyeyaal shirka xidhiidhiya.

Xilliga shirweynaha sanadka waxa la sameeya gudoomiye iyo kaaliye cusub.kuwaas oo aan aheyn kuwii joogtada ahaa ee ururka. Sidoo kale waxa qurux badan in xilliga shirweynaha sanadka ay dhammaan xidhiihdiyayaasha shirku ahaadaan qaar ka baxsan gudiga maadaama ay ka masuuliyad buuxinta guddiga ay ka mid yihiin waxxa laga wada hadlayo oo aanay guddigu isa siinin ogolaanshoha masuuliyad buuxinta

Xilliga kulanka xubnaha waxa shirka hoggaamiya gudoomiyaha iyo kaaliyaha ururka haddii ay joogaan. Haddii mid ka mid ah uu maqan yahey waxa meesha lagu doortaa gudoomiye ama kaaliye ku meel gaadh ah oo shirka wada.

Marka laga wadda hadlayo "yeedhitaanka" waxa shir gidoomiyuhu uu waydiiyaa xubnaha in uu yeedhitaanku u dhacay sidii sharciga aheyd (sidii hore lagu wada heshiiyay) markaana waxa banana in laga dhiibto fikradaadda haddii aanad ku qanac saneyn sida yeedhitaanku u dhacdey. Arrintani waxa ay aad muhiim gaar ah u tahay xilliga shirweynaha sanadka, inkastoo ay jiraan ururro sameeya xataa xilliga shirka xubnaha.

Marka laga wadda hadlaayo qodobka "ajendaha" waxa xubnuhu ay soo bandhigi karaan su’aalo kale oo dheeraad ah iyada oo aan loo baahneyn in go’aan laga gaadho su’aalahaa laakiin guddiga ayaa eegeysa haddii la hir galin karo arintaas. Waxaaney ka talo bixiyaan arintaas kulanka kale. Laakiin kulanka xubnaha ayaa ah ka go’aaminaaya ugu danbeyntii sida laga yeeli doona arintaa. Xilliga shirweynaha sanadka ma aha caadi in ajendaha ay furan tahay suaalo kale oo dheeraad ah, waayo xubnuhu waxa ay awood u leeyihiin in ay ka hor u soo qoraan mooshinkooda iyo talooyinkoodaba.

Shaqada waxa lagu habeeyaa ajendaha. Su’aalaha muhiimka aha ayaa loogu horeysiiyaa liiska si kuwa la filaayo in aan dood badan ka dhaceyn loogu danbeysiiyo. Marmar waxaa dhacda in hore looga heshiiyo sida su’aalaha loo kala hor eegayo. Waxa caado ah in su’aalahii dib loo dhigay iyo kuwii kale ee hore loo soo qaatay sida kuwa laga soo baaraan degayay oo kale la soo hor mariyo. Su’aalaha kale ee ajendaha inta badan waa loogu danbeysiiya in la eego.

Waxa wanaagsen in dhawr qof ay eegaan qoritaanka(borotokoolka) shirka si aan wax madmadow ah u galin waxa la go’aansadey. Sidaas daraadeed ayaa loo doortaa saxeyaal inta badan laba qof ka kooban, kuwaas oo borotokoolkana saxa.

Guddoomiyaha shirka ayaa ka masuul aha waxa lagu qorayo borotokoolka. Kaaliyuhu isaga oo kaashenaaya gudoomiyaha ayuu ka fiirsanayaa in go’aannada si sax ah loo dhigey. Hadii ay dhacdo in gudoomiyaha iyo saxeyaashu ay kale si u arkaan go’aanka waxa la rabaa in labada dhicanba la eego oo arinta shirka xubnaha ee danbe dib loogu soo qaado.

Marka liiska doodda laga dhexbaxo guddoomiyuhu waxa uu u mahad celiyaa kulanka dadka ka soo qayb galay isaga oo shirka albaabada u xidha.

In la xidho shirka waa mihiim si qof kastaa u ogaado in waxa ka danbeeya ee halkaas laga sheego aanay ku jirin go’aanka. 

In hogaamiye la ahaado
Att vara mötesordförande

In shir hogaamiye la ahaado waa arin dad badan ka cabsiisa. Laakiin waxa wanaagsan in laga fikiro in dadka goobtan jooga ay wax isku mid ah xiiseynayaan iyo in ay adiga ku soo doorteen si aad shirka u hoggaamiso.

Uma baahnid in aad taqaano dhamaan kalmadaha goonida u ah shirarka. Waxa muhiim ah se in aad shirka u hogaamisid si dadka oo dhan ay u dareemaan in ay ka qayb qaadanayaan iyo in ay isku raacsan yihiin go’aannada la gaarey. Hadii aad ka shakido ama xaaladaha qaarkood madmadow kaa galo waa kuu furan tahay in aad dadka weydiiso waxa aad sameyn doonto. Taas looma arki doono in ay aqoon darro tahay laakiin waxa loo arki hab dimuquraadi ah oo shirka uu u dhaco.

In dubbaha la qabsado waxa ay kugu noqon kartaa wax cusub, laakiin waxa wanaagsan in la barto isticmaalka dubbaha si loo calaamadeeyo go’aanka la gaadhey. Labada mar ee dubbe la isticmaali karaa waa:

  1. In go’aan dubbaha lagu dhufto. Waxa wanaagsan in si muuqata loo calaamadeeyo, laakiin ka digtoonow in aad si xoog ah ugu dhufato miiska, oo dadka aad qashqashto.
  2. Dubbaha garaaciisa waxa kale oo aad u isticmaali marka aad rabto in aad qofka hadlaya oo ka baxay mawduucii soo jeediso.

In hadalka la qaybiyo waa mid meesha ku jirta. Marka dad yar oo is yaqaanna la yahay waxa habboon liis ay ku qoran yihiin dhamaan cida dalbatay in ay hadasho, iyadda oo ay sida ay iskugu xigaan u hadli doonaan. Shirarka waaweyn waxa kaaliyuhu qaabilsan yahay in uu ka caawiyo sidii liis dadka hadlaya loogu qori lahaa. Waxa talo ahaan wacan in hoolka shirka loo qaybiyo afar qaybood oo dharka lagu kala garto, tusaalo ahaan waxad odhan kartaa "adiga dharka cas leh ee dhinaca danbe ee bidix jooga". Marka shirkarka aadka u balaadhan la joogo waxa la soo qortaa dalab si loo hadlo.
Kulanka fiican waa waa kulan ay dad badan ka hadleen. Inta badan waxaa jira dad jecel in ay codkooda dhageystaan (oo badnaa hadla kuna dheeraada hadalka). Taas waxa ay keeni kartaa in ay dad badani ka gaabsadaan in ay hadal ka dhiibtaan. Waxa sax ah in uu gudoomiyuhu si aan naxariis leh guud ahaan u tilmaamo isaga oo aan abaareyn qofka hadalka badan, laakiin sheegaya in ay fiicnaan lahayd in qof walba uu hadalka soo koobo oo uu soo gaabiyo si qof kastaa u helo fursad uu ku hadlo Gudoomiyuhu waa in uu qabto hadii qofka hadlaya uu ka baxo mawduucii.

Jawaabaha qof loo jawaabayo waxa ay kala joojiyaan liiska hadalka (haddii qof dalbaday in uu jawaab bixiyo waa in lagu soo celiyaa hadalka qofkii watay si uu u dhammeeyo). Waxa jawaab bixin la dalban karaa hadii uu qofku rabo in uu ka jawaabo ama uu wax ka sheego wax qofka hore ka hadlay.

Jawaabta waa in la soo gaabiyaa oo ugu badnaan 2 daqiidadood ka badan.

Shir gudoomiyuhu waxa uu shirka weydiin karaa in la ogol yahey jawaab in la isku celiyo. Qofka hadlaya ee wax la waydiiyo waa in la siiyo awood uu jawaab ku bixiyo haddii uu rabo.

Xubnaha shirka oo dhan way dalban karaan haddii suaal ka qabaan habsocodka shirka. Suaasha hab socodka shirku waxa ay noqon kartaa in qof nasasho dalbado in laqaato, tilmaan la sheego in qofka hadalka hayaa uu mawduucii ka baxay oo shir guddoomiyuhu aanu waxba ka qaban, in liiska dalka la xidho, in shirka la hakiyo(marka lagu jiro wadahadallo) iwm.

Suaasha habsocodka shirku sidoo kale waa ay kala joojisaa liiska hadalka. Mara hore shirka ayaa ogolaanaya in liiska hadalka la xariiqo. Marka hore waxa waydiinaya gumdoomiyaha in golaha doodda la soo afjaro, kadibna waxa uu waydiinayaa cidda kale ee rabta in ay is qorto. Marka Gudoomiyaha ayaa weydiinaaya shirka in ay ku raacsenyihiin taladda uu qofkaasi soo hor dhigey.

Xarriiqidda liiska hadalka waxa loogala jeedaa in aan qof kale odhaahda dalbaneyn. Shirka ayaa goaamin kara in liiska hadalka la xarriiqo. Gudoomiyaha ayaa marka hore weydiinaaya in doodda la soo af jaro, kadibna waxa uu weydiinayaa cidda kale ee rabta odhaahda oo marka la qoro kuwaas lagu soo af jarayaa liiska.

Marka la hakiyo shirka waxa wada hadalka laga qaataa fasak gaaban ama dheer

Qof ayaa dalban kara yara hakad si ay ugala doodaan su’aasha kooxo kale oo ka qaybqaadanaaya shirka (arinkan waxa inta badan la isticmaalaa marka aya xisbiyada siyaasaddu doonayaan in ay dhexdooda ka wada hadlaan talo soo korodhey) ama in ay xilli goor danbe ah noqotey oo la rabo berri la isku soo laabto (arinkan waxa inta badan la isticmaalaa marka shirarka waaweyn ee wada xaajoodka iskaashatooyinka ama xisbiyada siyaasda).

Go’aan dimuquraadi ah
Demokratiska beslut

Urur dimuquraadi ah waxa u calaamad ah in dhamaan xubnihiisu ay taladooda dhiiban karaan oo ay go’aanna gaadhi karaan. Hadaba si ay u dhib yaraato eegitaanka talooyinku oo si dhan loo wada eego waxa la raacaa hab gooni ah oo loo gaadho go’aanka. Marka go’aan uu ku hor yaallo, inta aan talada la hor geyn shirka waxa ay guddigu samayn karaan in ay dad kale talo waydiistaan oo ay fikraddaas cusub wada tashi ka sameeyaan, oo laga soo baaraan dego.

Marmar waxa dhacda iyada oo shirkii goaaminta lagu jiro in la dareemo in aan xaqiiqda oo dhan la hayn oo baadhitaan kale u baahan tahay arrintu, taas oo sababta in arrinta dib loogu diro baaraan deg kale. Arrinta waxa lagu celiyaa guddiga si ay u keenaan waxyaabaha loo baahan yahay. Markasta in su’aasha dib loo celiyo waxa go’aaminayaa waa shirka oo lagu gaadho cod qaadid (in ka badan kala badh xubnaha jooga)

Hadii la doonaayo in wakhti badan loo helo si looga fiirsado arrinta waxa la codsadaa dib-u-dhigid. Markaa waxa ku filan oo kaliya in shirka saddex meelood meel ka mid ahi ay rabto arintaas. Arinta dib loo dhigay waxa ay noqon doontaa arinta ugu horeysa ee la eegi doono shirka labaad. Kadib marka la dhameystiro foormaalatiga (marka la cayimo ajendaha lana doorto kaaliyayaasha shirka)

Hadaba inta aan go’aan la gaadhin waxa uu gudoomiyuhu qeexayaa talooyinka la soo gudbiyay. Haddii hal talo oo kaliya laga bixiyey oo aan cidna ka soo horjeedsan talada, toos ayaa go’aan loo qaadan karaa, oo haddii kulli la isku wada afgarto wadajir loo qaataa go’aanka. Fiiri tusaale ku saabsan shirhogaamiye.

Marka go’aan la gaaro iyada oo aan la codeyn waxa la yiraahdaa go’aan qaadasho haa ama maya ah. Inta badan waxa tan lagu qaldaa go’aan wadajir loo qaatay. Hase ahaatee arrintu ma aha sidan oo waxa dhici karta in qof diiday laakiin inta badan ay isku raaceen iyada oo aan la dalban in la codeeyo (cod tirin)

Haddii ay talooyin badan jiraan waxa uu gudoomiyuhu marka laga doodo ka dib soo jeedinayaa in la guda galo habka qo’aan qaadashada, taas oo micnaheedu yahey in la sheego talooyinka la kala dooranaayo iyo sida codka loogu qaadayo. Shirku waxa uu ansixinayaa taladaa. Fiiri tusaale ku sahabsan codeynta.

Haddii la dalbado in talo dib loo dhigo ama baaraan deg dheeraada lagu celiyo waxa la go’aaminayaa in arrinta maanta go’aan laga gaaro iyo in dib lkoo dhigo. Haddii ay badiyaan kuwa leh dib u dhiga, go’aanka waxa lala sugayaa shirka dambe.

Haddii la doorto in arrinta immika go’aan laga gaaro waxa la kala dooranayaa: Ogolaansho ama diidmo, talodii guddiga ama taladan cusub iyo waliba taladii guddiga oo talo dheeraada lagu daray.

Sida loo qoro habmaamuuska (brotokool); waxyaabaha u baahan in laga fikiro:

  1. Waa in ay si cad ugu qeexnaato ururka ama kooxda ay khusayso (shirka guddiga, shirka xubnaha iwm).
  2. Xilliga iyo goobta uu shirku ka dhacaayo, haddii uu shirku ka dhaco meel kaliyo mar kasta looma baahna in la sheego meesha.
  3. Dadka joogay iyo kuwa daadihinayay shirka
  4. Inta badan waxa la qoraa go’aanka habmaamuuskaka iyada oo aan la qoreyn doodda ( hebel baa yidhi sidan iyo sidaa).
  5. Si loo hawl yareeyo akhriska waxa haboon in si cad loo qoro cinwaanada, tusaale arinka laga hadley darafkiisa iyada oo aan lagu dareyn ajendaha bratakoolka.

Qoritaanka habmaamuuska
Att skriva protokoll

axa muhiim ah in dib loogu noqon karo oo la ogaan karo go’aamadii la gaadhey, taasna waxay ku suurtowdaa in la sameeyo habmaamuus.

Habmaamuuska waa in ay ku caddaato dadka joogay iyo kulanka noociisa, (shir guddi, xubno ama shir sanadeed). Waxa kale oo aad muqaddas u ah in la cayimo goobta iyo xiliga la kulmayo iyo in la sheego in shirku go’aan qaadan karo )sida sharciga ururku dhigayo). Taas oo ka ilaalineysa doodda ah in go’aannadu sharci yihiin iyo in kale. Tan ugu danbeysa waxa ay inte badan khuseysaa shirsanadeedka laakiin waa mid shir kasta soo gali karta./p>

Waa in si cad loo qoraa go’aammada shirka lagu gaadhey. Su’aalaha qaarkood waa war bixin, markaa waa in laga duwaa suaalaha go’aamada laga gaarayo. Shir hogaamiyaha ayaa ka masuul ah waxa lagu qorayo habmaamuuska.

Laakiin hadii kaaliyaha ama saxayaashu ay fikrad kale ka qabaan waxa habmaamuusku ka kooban yahey waa in ay si cad u qeexaan. Sixitaanku waxa uu ku dhici karaa iyada oo shirka oo dhan ay (tusaale ahaan guddi) ansaxayaan habmaamuuska kulankooda soo socda. Markaa looma baahna in la doorta saxeyaal laakiin hadna waa la dooran karaa.

§:calaamadan baragraafku (habmaamuus) waxa ay cadeynaysaa in halkan go’aan lagu gaadhey. Hasa yeeshee calaamadda baragrafka waa in aan loo isticmaalin ajendaha ama liiska arimaha.

Ajendaha waxa ku jira oo kale xilliyada cuntada, nasasho iwm. Liiska arimaha waxa kaliya uu sheegayaa arimaha la falanqeynayo.

Si hab maamuusku u noqdo mid si dhibyar loo akhriyo waa in loo qoraa qaab dhibceed. Go’aan kastana lagu qoro baragraf. Laakiin dhamaan qoraalada oo dhan midwalba waa shaqeynayaan xataa iyaga oo aan si habsami ah loo dhigin laakiin ay qoran tahay arrimihii muhiimka ahaa.